LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

XUQUUQDA CARUURTA DARBI JIIKA (RIGHTS OF STREET CHILDREN}

 

 

XUQUUQDA CARUURTA DARBI JIIKA (RIGHTS OF STREET CHILDREN}

QORE: QARYAQAAN AHMED ABDI YUSUF

·       LLB

·       BACHELOR OF ACOUNTING AND FINANCE

·       EMAIL:axmed.4004@gmail.com

      HORDHAC

Caruurta darbijiifku waa caruur ka falaagooday reerohooda

Kuwaas oo ay ku khasbeen duruufo haysta qoysaskooda

Haba ugu horayso fakhriga ama wax hayn-hayn yarida

Carruurta darbi jiifka ah waxay la kulmaan caqabado iyo Dayacaad badan badan, xuquuqdoodana inta badan waa la iska indhatiraa ama lagu tuntaa.

Dadaallada lagu ilaalinayo laguna horumarinayo xuquuqda carruurta darbijiifka ah waxay caadi ahaan diiradda saaraan dhowr meelood oo muhiim ah:

Qaab-dhismeedka sharciga (legal framework}

Sharcigu muxuu ka qabaa in la dayoco caruurta darbi jiifka ah

Sidaan wada ognahay caruurta darbijiifku waxay ka mid yihiin caruureheena

Sidaa awgeed in xil la iska saaro waa arin muhiima.

Waxaa jira sharciyo caalamiya iyo naar wadamadu gaar u leeyihiin oo ka hadlaya,wax ka qabashada caruurta darbijiifka ah/

Hadaan ku horayno sharciga caalamiga ah ee daryeelka caruurta,waxa weeyaan

Axdiga Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Carruurta Legal Framework

United Nations Convention on the Rights of the Child (CRC):

Heshiiskan caalamiga ah, oo la ansixiyay 1989, ayaa qeexaya xuquuqda madaniga, siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada, caafimaadka, iyo dhaqanka ee carruurta.

Qodobada muhiimka ah ee khuseeya carruurta darbi-jiifka ah waxaa ka mid ah:

 Qodobka 2aad: Takoor la'aan (no discrimination)

Qodobka 6: Xaqa nolosha, badbaadada iyo horumarka(Right to life, survival, and development)

Qodobka 12aad: Xaqa in la maqlo(Rights to be hear)

QODOBKA 19AAD : Ka ilaalinta dhammaan Nooc kasta oo rabshad ah (Protection from all forms of violence)

QODOBKA 27AAD XAQA LOOGU TALAGALAY HEER NOLOLEED

28aad: Xaqa waxbarashada (right to education)

Sharciyada wadamada (national law)

Wadamada aduunku waxay leeyihiin sharciyo iyo siyaasado kala duwan oo loogu talagalay ilaalinta carruurta darbi jiifka ah.

Sharciyadan oo ay ka mid yihiin  inay helaan waxbarasho iyo daryeel caafimaad.

Iyo mid nafaqo.

Hadaba somaalidu ma leeyihiin shuruuc lagu daryeelayo caruurta darbujiifka ah

Intaan ka war hayo maamulada soomaalidu ma laha wax sharciya oo lagu daryeelayo caruurta darbi jiifka,haday jiraana maaha qaar shaqeeya.

Waayo haday jiraan caruurta darbijiifka ah ayaa laga dareemi lahaa.

Waa dhibaato iyo aafo haysata ama ka jirta magaalo kasta oo soomaaliyeed.

Wax xal ah oo muuqdana looma hayo ilaa hada.

Xuquuqaha ayay tahay inay caruurtaasi helaan

XAQA ILAALINTA RIGHT TO PROTECTION

ü Ka ilaalinta xadgudubka jireed, niyadeed, iyo galmada. Protection from physical, emotional, and sexual abuse.

ü Ka-hortagga dhiig-miirashada, oo ay ku jiraan shaqada khasabka ah iyo ka ganacsiga. Protection from exploitation, including forced labor and trafficking.

ü Ka ilaalinta walxaha iyo dhaqamada waxyeelada leh. Protection from harmful substances and practices.

XAQA WAXBARASHO (RIGHT TO DUCATION)

Helitaanka waxbarashada aasaasiga ah ee bilaashka ah. Access to free and compulsory primary education.

Taageerada waxbarashada sii socota, oo ay ku jiraan tababarka xirfadaha iyo waxbarashada sare. Support for continued education, including vocational training and secondary education.

Dadaallo lagu doonayo in carruurta darbi-jiifka ah lagu dhexgeliyo nidaamka waxbarashada tooska ah. Efforts to integrate street children into the formal education system.

XAQA CAAFIMAADKA (RIGHT TO HEALTH)

ü Helitaanka adeegyada daryeelka caafimaadka, oo ay ku jiraan tallaallada, Access to healthcare services, including vaccinations, treatment for illnesses, and mental health support.

ü Bixinta nafaqo iyo biyo nadiif ah oo la cabbo Provision of nutrition and safe drinking water

ü Barnaamijyada wax looga qabanayo balwadaha.Programs to address substance abuse and addiction.

 {XAQA KA QAYB GALKA RIGHT TO PARTICIPATE}

 Ku darida carruurta darbijiifka ah hababka go'aan qaadashada ee saameeya noloshooda.

Waa in la siiyaa Fursad  carruurta darbijiifka ah si ay u muujiyaan aragtidooda iyo ra'yigooda.

Gunaanad

Waxa waajib ah in caruurtaa loo gurmado,si wax looga qabto dhibaatada haysata.loogana hortado in qaar kale oo badana ku soo biiraan.

Waayo caruurtani waa awood ama cudud lumaysa,amaankana khatar galinaysa.

 

 

 

 

 

 

 

 

Post a Comment

0 Comments