TACADIYADA KA DHANKA AH DUMAR
maanta mawduucan waxaan ku qaadaadhigi doonaa tacadiyada ka dhanka ah dumarka
sidaan wada ognahay dumarka somaaliyeed waxaa haysta tacadiyo badan oo kala duwan oo dhinacyo badan leh waxaa ugu muhiimsan oo aan soo qaadan karnaa uguna caasan tobankan tacadi ama gabood fal
1. TACADIYADA JIDHKA: PHISICAL VIOLANCE
garaacid, dharbaaxo, feedh haraati, ama nooc kasta oo kale oo weerar jireed ah
in dumarka la garaaco waa arin aad iyo aad u xun,waana fal ka soo horjeeda diinta islamka/
dadka qaar ayaa ku abdacooda diinta islamka ayaa banaysay in dumarka lagaraaco/
waa dood jaban oo ayna waxba ka jirin haba yaraatee.
garaacida ayay suuratu nisaa sheegtay waa in lagu dhufto cumaamad ama maro yar iyo canaan ma banaana in dumarka gacan loo qaado
2. TACADIYADA KUFSI SEXUAL VIOLANCE
faraxumayn, dhillaysi qasab ah,tacadiyada kufsi ee dumarka ka dhanka ah aad iyo aad ayay ugu soo noq noqdaan bulshada soomaalida ilaa imka wax xal ah looma hayo.
wax shuruuc ah oo la taaban karo oo laga soo saaray wali lama hayo.
3. TACADIYADA MASKAXEED: PSYCHOLOGICAL VIOLANCE
Dareenka/Maskaxda ah Aflagaado, caga-juglayn, hanjabaad, bahdil, ama hab-dhaqan xakamayn ah oo wax u dhimaya sharafta dumarka.
tacadiyada maskaxeed waa nooc ka mid ah falalka ka dhanka ah dumarka
4. TACADIYADA DHAQAALE ECONOMIC VIOLANCE
Dhaqaale Xakamaynta, helitaanka
haweeneyda ilaha dhaqaale, ka joojinta lacagta, ama ka hor istaagida in ay
shaqeyso ama gasho waxbarasho.
in dhaqaalaha laga joojiyo,ama waxbarashada waa tacadi ka dhan ah
5. TACADIYADA GURIGA DEMESTIC VIOLANCE
Rabshado ka dhaca guriga dhexdiisa tacadiyada dumarka ;oogu gaysto guryaha aad ayay u badanyihiin waana arin soo noqnoqota
6. KA GANACSIGA DADKA HUMAN TRAFFICKING
Ku qasbida haweenka foosha ama ka
faa'iidaysiga galmada.
7. TACADIYADA DHAQAALE:
cagajugleyn joogto ah, daba gal, ama basaasnimo lagu sameeyo dumarka waa tacadi ka dhan ah dumarka
8. TACADIYADA INTERNETKA
Dhibaataynta onlaynka ah, cagajuglaynta internetka, ama aargoosi loogu gaysto dumarka waa arin khatara oo aad u soo badanaysa
9. TACADIYADA DHAQANKA CULTURAL VIOLANCE
Dhaqannada sida gudniinka fircooniga ah, dilka sharafta, ama guurka khasabka ah.
10. TACADIYADA HAY'ADAHA: INSTITUTIONAL VIOLANCE
Rabshadaha ama xadgudubka ay
geystaan jilayaasha hay'adaha sida booliiska, bixiyeyaasha daryeelka
caafimaadka, ama loo shaqeeyaha.
police ku tacadiyo badan ayay gaystaaan oo dumarka ah
MAXAA KEENA XADGUDUBYADAN INAY SOO NOQNOQDAAN
arintan gunteedu waxay u baahantahay in si qoto dheer loo baadho.
si looga gun gaadho sababaha keenya si daawo loogu helo
sida aan ka soo xiganay warbixinaha ay qoreen hayadaha qarmada midoobay arintani aad ayay isu soo taraysaa link gan hooose guji si aad u akhrisatit war bixinta qaramada midoobay
Mid kasta oo ka mid ah noocyadan rabshadaha waxay ku yeelan
karaan dumarka cawaaqib jidheed, maskaxeed iyo bulsho oo daran
sidaa awgeed waa in xil la iska saaro
QORE: GARYAQAAN AHMED ABDI YUSUF
EMAIL:jabiiba@440@gmail.com
0 Comments