LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

 

SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA SHAQAALAYNTA CARUURTA

photp credit google 
Caruurtu waa laf dhabarta uu leeyahay wadan kasta in xil wayn la iska saaarana waa arin aad muhiim u ah.

Sidaan wada ognahay somaalia oo ah wadan dagaalo sokeeye halakeeyeen,ayaa shaqaalaynta caruurtu aad u saraysaa

Gaar ahaan goobaha dagaalada ayaa aad loogu dhex arkaa caruurta.

Shaqaalaynta  carruurta ayaa weli ah arrin muhiim ah oo ka jirta Soomaaliya, taas oo saameynaysa tiro badan oo carruur ah in kasta oo ay jiraan dadaallo caalam ah ( international efforts) iyo dadaallo maxalli ah (local efforts) oo wax looga qabanayo dhibaatada.

 Dadaallada Caalamiga ahUrurrada caalamiga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn waxay si firfircoon uga shaqaynayaan sidii ay ula dagaallami lahaayeen shaqada carruurta ee Soomaaliya iyaga oo u doodaya, bixinayana barnaamijyo waxbarasho, iyo taageero qoysaska ah Dadaalladan waxay ujeedadoodu tahay in kor loo qaado wacyiga, iyo  siinta fursado dakhli oo beddelka ah ee qoysaska, iyo horumarinta helitaanka waxbarashada carruurta.

Hadaba waa maxay sababta loo xakamayn kari laayay mushkiladan

Caqabadaha ka hor imaanaya Cidhibtirka  ku shaqeysiga carruurta ee Soomaaliya waa kuwo aad u weyn, oo ay ku jiraan xasillooni darro siyaasadeed, faqri, kaabayaal la'aan, iyo helitaanka waxbarasho iyo daryeel caafimaad oo xaddidan.

Waxa kale oo hortaagan dagaalada daba dheeraaday ee sodonka sano ka socda dalka,iyo musuq maasuqa (coroption)

Wax ka qabashada arrimahan waxay u baahan tahay dadaallo isku dubaridan oo ka yimaada maamulada maxalliga ah, ururada caalamiga ah, iyo bulshada caalamka.

Waxaa jira war bixino ay soo saartay Qaramada midoobay oo aad  ka naxaysid

Halkan ayaad ka akhriyi kartaa warbixinta ka hadlaysa. https://childrenandarmedconflict.un.org/2022/06/situation-of-children-in-somalia-alarming-new-report-details-staggering-levels-of-grave-violations/

Qof kasta somaali ah waxaa la gudboon in u guntado sidii caruurta loo samata bixin lahaa

         Qore: Qaryaqaan ahmed abdi yusuf

EMAIL: axmed.4004@gmail.com

Post a Comment

0 Comments