LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

ADOON CIDNA CAAYIN LACAG MA KA SAMAYN KARTAA BARAHA BULSHADA

 

sidaan wada ognahay social mdea, ama  baraha bulshadu  wuxuu noqday baryahan dambe middi laba af leh oo xumaan iyo wanaagba kolba dhankii ladoono loo  adeegsan karo.

baraha bulshadu waxay  noqdeen meel aduunka oo dhan kulmis, lacag farabadana laga sameeyo,

hadaan is dul taagno mid ka mida aaladaha sida wayn soomaalidu u isticmaasho oo ah tiktok

                        SOMALIDA IYO  TIKTOK 

 Tiktok waa aalad laga leeyahay dalka china aadna ugu faaftay aduunka oo dhan lagana sameeyo lacago badan. 

hadaba somalida ayaa ugu liidata qaabka ayay u isticmaalaan aaladan casriga ah 

dhalinyaro somaali ah oo Gabdho iyo Wiilalba leh ayaa aad u isticmaala,kuwaas  oo  qaab qariban u isticmaala aaladan ayaga oo doonaya inay ku helaan taageero badan 

waxay sameeyaan wax ka baxsan anshaxa somalida iyo diinta islamka.

waxay caayaan qabiilada somaaliyeed,waxay caayaan hooyooyinka somaaliyeed, iyo haldoorka somaalida.

GABDHAHA SOMALIDA IYO TIKTOK 

gabdhaha somaaliyeed way soo kordhin kari waayeen wax aan ahayn jaas iyo cay ayay iyagu is caayaan.

waxaad arkaysaa dhammaan hablihii somalida oo ka dhex jaasaya aaladan,ama iyga dhexdoodu is caayaya,taasina waa sumcad dil ku socda dhamaan jinsiga somaalida.

TIKTOK MA LOO ADEEGSAN KARAA QAAB KA DUWAN QAABKAN SOMAALID ?

haa waa loo adeegsan karaa aduunku  wxuu u adeegsada qaab togan(positive way)

qof kasta wuxuu ku soo bandhigaa wuxuu khibrad u leeyahay ha noqoto aqoon, business  ama ganacsi 

dadka qaar waxay ku soo bandhigaan ciyaaro yar yar oo guryaha lagu dhex ciyaaro kuwaas oo maalyiin qof daawadaan,lagana sameeyo lacaga ka badan kuwa soomaalidu cayda ku samayso.

MAXAA KALIFAYA IN SOMAALIDU QAABKAN QARIBAN U ADEEGSATO BARAHA BULSHA. 

Dhaqanka somaalida oo ku salaysan reernimo ama qabyaalad ayaa keenaya in farsamo kasta oo soobaxda lagu saleeyo reernimo, iyo waliba  aqoon yari dadka soomaalida oo aad ugu yar wax barashada.

marka la barbar dhigo umadaha aduunka oo aad uga wacyi iyo aqoonba sareeya somaalida.

FACEBOOK 

aalada Tiktok waxaa soo raaca facebookga oo soomaalidu si qaab daran u adeegsato.

kuwaas oo dhexdooda isku aflagaadeeya ama ku caaya reeraha iyo haldoorka soomaalida.

SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA AAFADAN SOOMAALIDA KU HABSATAY 

Maaaama oo ay arintani tahay arin faraha ka sii baxaysa oo dhaqankii soomaalida iyo diintiiba halis ku ah waa in talaabooyinkan la qaadaa si loo joojiyo 

1 waa in shuruuc loo sameeyaa si loo xakameeyo

2 waa in la sameeyaa wacyi galin balaadhan 

3 waa inay soo baxaan dhalinyaro dhanka wanaaga u adeegsata baraha bulshada 

   4 waa in laga sameeyaa doodo iyo wax iska waydiin doodahaas oo lagu soo marti qaadayaa culimada iyo aqaoonyahanka 

QORE 

Garyaqaan Ahmed Abdi yusuf 

EMAIL:peaceuk233@gmail.com

 








Post a Comment

0 Comments